DEG DEG: Danjirihii Shiinaha u fadhiyey Israel oo la helay isaga oo mayd ah

0

(Tel Aviv) 17 Maajo 2020 – Danjirihii Shiinaha ee Israel, Du Wei, ayaa saaka isaga oo mayd ah laga helay gurigiisa, sida ay werinayso saxaafadda Israeli oo booliiska xiganaysa.

Du, 58 jir, ayaa maydkiisa laga helay guri ku yaalla Herzliya oo ah bartamaha central Israel, sida warku sheegayo.

Sida ay faafinayso Ynet News, maydka Danjiraha ayaa laga helay isagoo saaran sariirtiisa, welina lama cayimin sababta geeridan keentay.

Mar ay Jerusalem Post la xiriirtey, Safaaradda Shiinaha ayaan waxba ka dhihin khabarkan ku saabsan geerida Danjiraha.

Wixii kasoo kordha kala soco Hadalsame

Hadalsame Media