”Islaamku ma qabo in la is khasbo!” – Caalim Talyaani ah oo diidey in Silvia qabto jirro nafsaani ah si wanaagsanna u sharraxay waxa ay uga dhigan tahay inay Muslintay

0

(Milano) 16 Maajo 2020 – Franco Cardini oo ah taariikhyahan si gaar ah ugu xeel dheer sooyaalkii cahdiyadii dhexe (Midieval), ayaa sheegay in ”Islaamku uu si cad u diidayo in qofka khasab lagu Muslimiyo”, mar uu arrinta Caa’isha xog ka siiyey La Stampa.

Cardini ayaa sheegay in Silvia ay u Islaamtay inay dan ku aragtay, xabsiga ku moodaysey amaba ay si daacad ah u qaadatay, ha yeeshee aanu marna aaminsanayn inay qabto jirradda “Stockholm Syndrome”, ee uu qofku jacayl aan waaqici ahayn iskaga qaado qofka qafaashay ee haysta, taasoo ah war kasoo yeerey dhowr qof oo caan ah oo Talyaani ah.

Cardini ayaa sheegay in haddii ay sidaa tahay aysan ka muuqateen farxadda iyo xoogga ka muuqdey, isla markaana si jacayl ku jiro hab diirran uma siiseen qoyskeeda iyo dadkii ay jeclayd, kaddib markii ay muddo moogayd.

Wuxuu soo jeediyey inaan lagu fogaanin u qiil dayidda ama u micne samaynta sababta sirta ka dambeeysa Muslinnimada Silvia.

”Waxaan markaa ku xad gudbaynaa sirta ka dhexeeysa qof kasta oo naga mid ah iyo nafsaddiisa gudeed, taasoo runtii ah waxa ay diintu u taagan tahay. Waa dhinac shakhsi ah, ay adag tahay in la sharroxo, balse ka dhexeeya qofka iyo waxa uu aaminsan yahay.” ayuu yiri Cardini oo soo jeediyey inaan dhinacaa la aadin.

Wuxuu falanqeeyay in diintu ay tahay hab-dhaqan ruuxi ah oo qaabaynaya dareen kasta iyo micne kasta oo looga quusto in sharraxaad loogu helo nolol maalmeedkeenna caadiga ah, si xal loogu helo qanaaca la’aanta, niyad-jabka, quusta iyo qabyada ka muuqata jiritaankeenna.

Wuxuu sheegay in Silvia oo markii horeba ahayd qof Afrika oo ah meel ka mid ah kuwa ugu diihaalsan dunida u tagtay si ay dad insaan ah u caawiso, ay kaddib maalmo badan oo aamusan xabsiga ku dhex qaadatay, kaddibna ay Qur’aanka ka heshay micne iyo xasillooni aan ka jirin Galbeedka oo ay dadku lumiyeen xiriirkii ruuxiga ahaa, taasoo ah micnaha diin dhab ah.

”Waxaa laga yaabaa inay ogaatey oo aqbashay in ”Allaahu Akbar” aysan u taagnayn in dadka la xasuuqo, balse ay jirto dhinac uu sahankeeda naga hor taagan yahay qabkeenna iyo kibirkeennu.” ayuu yiri Cardini oo sheegay in Muslimiadda Silvia oo aysan waxba ka ogayn, isla markaana aanay doonayn inay wax ka ogaadaan ay micnahaa leedahay. ”Anagana cashar ayay noo wada tahay!” ayuu raaciyey.

Waa sidii uu lahaa xeel dheerihii Cilmu-nafsiga ee Sigmund Freud, oo bilaa diin ahaa (Mulxid), balse yiri: “Qabku, xitaa guriga uu deggan yahay isagu ma laha”.

“The ego is not master in its own house.”

Tusaale, waxaad haysan kartaa hanti, qurux, mansab, jaah, balse midkoodna adigu ma xukuntid mana go’aamisid.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media