”Insha Allah waan kulmaynaa dhowaan!” – Silvia oo Muslimiinta Talyaaniga u mahad celisey & ballan ay la dhigatay

0

(Milano) 16 Maajo 2020 – Caa’isha (Silvia Romano) ayaa Facebook farriin ugu dirtay Muslimiinta Talyaaniga oo farriin muuqaal ahayd hiillo u muujiyey xilli ay wajahayso weerarro nacayb ah, tan iyo markii ay soo laabatay iyadoo Muslim ah.

“Assalaamucalaykum wa raxmatuullahi, kulligiinba Allaah ha idinku barakeeyo kalgacaylka aad ii muujiseen. Ilaah baa mahad leh, adinkuna waa mahadsan tihiin!!! Muuqaalkiinnu wuxuu ahaa mid qurux badan oo dareen wayn xambaarsan. Waannu is arki doonnaa dhaqso walaalayaal insha Allah! “, ayay tiri Caa’isha oo tixraacaysey muuqaal horay loosoo dhigay La Luce.

Muuqaalkaas ayay ilaa 50 Muslimiin ah oo asal ahaan dalal kala duwan kasoo kala jeeda, da’ kala duwanna jira waxay Caa’isha u jeediyeen inay la jiraan kuna soo dhowaynayaan Muslinnimada, iyagoo adeegsanaya kelmadda guud ee ”soo noqod wanaagsan.”

Muslimiinta Talyaaniga ayaa ka fal celinayey weerarro dhowr nooc, dabaqad iyo lakab leh oo lagu ekeeyey Caa’isha oo iyaduna shalay ku celisey inay ”qalbigeeda raacday”, isla markaana aysan ka noqon doonin Islaannimadeeda.

Danjiraha Talyaaniga ee Somalia ayaa sheegay inuu la yaabay diirranaanta iyo degganaanta niyad ahaan ka muuqata Silvia tiiyoo ay xabbisnayd 18 bilood.

Hadalsame Media