Horyaalka Jarmanka oo maanta dib loo furayo & kulamada dhacaya (Dunida oo idil oo daawanaysa & digniin loo diray EPL, Serie A & La Liga)

0

(Berlin) 16 Maajo 2020 – Waxaa galabta dib usoo laabanaya ciyaaraha kubadda cagta oo markii ugu horreeysey bilo kaddib toos loo daawanayo, waloow aysan taageerayaashu daawan doonin.

Waa Horyaalka Jarmanka ee Bundesliga oo soo noqonaya xilli mar hore la xirey Horyaallada France, Holland iyo Belgium, halka Italy, England iyo Spain ay ku murmayaan hab-raaca ugu fiican ee lagu soconayo marka lasoo celiyo. Waxaa sidaa darteed dhici doonta inay dunida oo idil iminka daawato Horyaalka Jarmanka

Horyaalka Jarmanka waxaa ugu tun wayn Bayern Munich, waloow ay sanadihii dambe yara isku waalwaalaysey Borussia Dortmund, misna wax badan kama cunin oo waxay kooxda Bavaria u taagan tahay qaadista koobkeedii 8-ad oo xiriir ah.

Guddoonka UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa Horyaallada EPL, Spain iyo Italy usoo jeediyey inay raacaan tilmaamaha Jarmanka, oo tusaale ahaan, aan kooxda dhan la karaantiilaynin haddii qof kooxda ka tirsan laga helo cudurka karoonaha (Covid-19).

Ceferin ayaa ku hanjabey in haddii aan Horyaallada la dhamaystirin loo diyaar garoobi ciyaarista kulamo isreeb-reeb-horaadyo ah.

KULAMADA MAANTA DHACAYA

KULAMADA DHACA BERI & SAADAMBE

Hadalsame Media