Wershad casri ah oo Somaliland laga dhisay oo durba shaqo bilowday & adeeg muhim ah oo ay qabanayso + Sawirro

0

(Hargaysa) 14 Maajo 2020 – Hay’adda National Flour Mil ayaa Somaliland ka furtay wershaddii ugu horreeysey ee nooceeda ah ee abid laga furo Somaliland.

Wershaddan oo ay dhistay hay’adda Alapala ayaa lagu qalabeeyey agabka ugu dambeeya ee lagu shiido burka laga sameeyo qamadiga.

Wershaddan oo ay maalgashadeen Al-Harbi Group of Companies iyo maalqabeen Carbeed ayaa waxay awood u leedahay diyaarinta 110,000 mitrik tan sanadkii halka ay maalintii shiidi karto 300 oo tan, iyadoo shiidaysa qamadiga adag iyo kan jilicsan intaba, si ay usoo saarto bur tayo leh oo dabooli kara baahida suuqa maxalliga.

Wershaddan ayaa leh xajmi dhan 300 TPD iyo haamo aasto ka samaysan oo qamadiga lagu kaydiyo oo uu cabbirkoodu yahay 4×7.500.

Hay’adda Alapala oo la dhisay 1954-kii, ayaa wershado bur ka samaysay 100 dal oo caalamka ah iyo 650 meelood.

Hadalsame Media