Maamulka Gobolka Banaadir oo magacaabay degmooyinka ay kasoo dheceen madaafiic lagu duqeeyey Garoonka & Xalane (Digniin)

0

(Muqdisho) 14 Maajo 2020 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah uga hadlay meelaha laga soo gano madaafiic lagu garaaco Garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane, taasoo lagu tilmaamay arrin ay tahay in si deg deg wax looga qabto.

Maxamed Cabdullaahi Tuulax, oo ah Guddoomiye Xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa meelaha madaafiicdaa laga soo rido ku sheegay inay ka tirsan yihiin degmooyinkaas Wadajir, Dharkaynley iyo Kaxda.

Wuxuu intaa daba dhigay inay iminka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo aminga degmooyinkaasi si meesha lagaga saaro falalka kharbudaadda ah ee aan kala sooca lahayn ee ay halkaa ka fuliyaan Al-Shabaabku, sida kormeerro iyo roondooyin dhanka amaanka ah.

Yeelkeede, waxaa jira warar horay usoo baxayey oo muujinaya in hoobiyeyaasha sidoo kale laga soo rido degmooyin kale sida Kaaraan.

Tuulax ayaa digniin u diray cid kasta oo ay ku cadaato ama lagu qabto isaga oo samaynaya ama gacan siinaya kooxaha fulinaya weerarradan aan naxariista lahayn ee halista ah. ”Tillaabo sharci ah ayaan ka qaadaynaa,” ayuu yiri.

Degmo kasta oo laga soo ridaba, dad badan ayaa wax aan la qaadan karin oo aan maangal ahayn ku tilmaamay in magaalada dhexdeeda laga soo rido madaafiic, isla markaana aan la helin dadka noocaas ah oo halis ku ah nolosha dadka ku nool caasimadda.

Hadalsame Media