Somalia oo loogu deeqay dayuurado nooca qumaatiga u duula ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 14 Maajo 2020 – Waxaa Bariga Afrika bilihii dambe fara ba’an ku hayey ayax eber ka dhigay dalaggii beeraha, xilli ay gobolkaas markii horeba cuntadu ku yarayd, sababo badan dartood.

Dowladda Canada ayaa iyada oo qayb ahaan arrintaa ka jawaabaysa waxay Somalia ugu deeqday labo diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u duula (Helicopter).

Dayuuradahan ayaa loogu tala galay inay ka qeyb qaataan olole la doonayo in hawada sare laga buufiyo ayaxan la degey gobollo ka tirsan Somalia, sida Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

Waxaa hirgelinta mashruucan gacan wayn ka gaysanaya jana wada shaqaynaya hay’adaha kala ah: Wasaaradda Beeraha Somalia, FAO iyo USAID.

Somalia ayaa ka liidata dhinaca kaabayaasha oo si buuxda ugu burburay dagaalladii sokeeye, waxayna iminka aad ugu baahnayd adeegga ay bixin karaan dayuuradahani.

Dayuuradahan ayaa waxaa la wareegtey Wasaaradda Beeraha Somalia oo u adeegsan doonta ololaha la dagaallanka ayaxa oo aanay Somalia awal u haysan dayuurado buufiya.

Hadalsame Media