Al Shabaab oo beeniyey war weji hor oo FOOLXUN u yeelaya weerar lagu qaaday Silvia Romano (La Repubblica oo been abuur sameeyay)

0

(Roma) 14 Maajo 2020 – Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisey inay waraysi siiyeen warqaadka La Repubblica, kaasoo 11-kii bishan oo Isniintii ku beegnayd qoray in waraysi ay ka qaadeen afhayeenka Cali Dheere, uu kaga hadlay arrinta Silvia Romano.

“Madax furashada Silvia waxaan ku maalgelinaynaa Jihaadka” ayuu cinwaan ka dhigay La Repubblica oo qoray in uu Afhayeenka kooxdu sheegay inay gabadhan ka qaateen madax furasho malaayiin doollar ah, si ay hub ugu iibsadaan.

Yeelkeede, xafiiska warfaafinta ee Al-Shabaab ayaa sheegay in waraysigaasi uu been abuur yahay.

“Afhayeenkeennu ma bixinin wax waraysi ah oo ku saabsan arrinta Silvia Romano,” ayuu xubin ka tirsan xafiiska warfaafintu u sheegay SomaliMeMo, oo ah web ay kooxdani xogeheeda ku faafiso, sida uu qoray La Luce.

Ninkan Al Shabaabka u hadlay ayaa warka uu siiyey SomaliMeMo ku sheegay in sababta uu La Repubblica waraysiga u been abuuray ay ahayd si uu nacayb dheeraad ah ugu abuuro Silvia Romano iyo Islaamka, sida uu yiri.

Dad badan oo siyaasadda ka faallooda ayaa weerar ay ku qaadayeen Dowladda Talyaaniga iyo Silvia Romano, waxay u cuskanayeen waraysigan, iyagoo ku doodayey in Talyaanigu ”uu argagixiso quudiyey si uu usoo furto argagixiso kale.”

Arrintan ayay iminka aad u hadal haysaa saxaafadda Talyaanigu.

Hadalsame Media