Somalia oo wajahaysa halis jiritaan & baraarug xumo baahsan oo muuqata (Yaa eedda ugu badan leh)

0

(Hadalsame) 14 Maajo 2020 – Somalia oo qalaanqal siyaasadeed ku jirta muddo 40 sanadood sii dhaafaysa amaba haddii horay loosii dhigo tan iyo xorriyaddii ama ugu yaraan ilaa afgambigii ciidanka ayaa u muuqata mid aan weli wax badani iska bedelin dunta laga falkiyo siyaasaddeeda.

Somalia oo soo martay dhowr marxaladood ayaa waxaa majaraha u haya siyaasi uusan inta badan hankiisu dhaafsiisnayn inuu xil helo ama xoolaysto, balse aanay jirin xikmad wax loogu qabanayo qarankaa xubayrada ah ee Soomaaliyeed oo nasiib darro si indha la’aan ah iskaga daba socda.

Cillada haysata Somalia oo iyaduna col ah cid kastana col la ah, waxaa ugu wacan siyaasadda aan aragtida iyo isha macaan lahayn ee siyaasiga Soomaaliyeed, taasoo ka muuqata jahawareerka uu ku ridey shacabka oo qabatimay inay kud iyo qanje u kala guuraan maalin soo gashaba.

Haddada, waxay Somalia maraysaa xaalad kala guur ah, ilaa haddana marka sawirka guud la eego ma badna siyaasi xambaarsan ama dadka la wadaaga siyaasad ka badan xag xagashada mid kale oo uu xafiiltan ka dhexeeyo iyo qaar qabyaalad ama daba-dhilifnimo ku raadinaya kursiga, maadaama uusan yoolkiisu kursiga dhaafsiisnayn.

Waqti xaadirkan waxaa sidoo kale isgoys taagan caalamka oo idil, waxayna u badan tahay in markale lagu dhaqmi doono XEERKA KAYMAHA oo kii tabar yar la taraanturrayn doono, isla markaana waxaa jira ifafaale muujinaya inuu sii yaraanayo ixtiraamkii haba yaraadee loo hayn jirey XEERKA CAALAMIGA ah ee la unkay kaddib Dagaalkii 2-aad ee Dunida, haddaba, Somalia maku fakan doontaa siyaasad aan hal abuur lahayn, mararka qaar aanba xog badan oo dunida laga hayo ka muuqan, aann ku dhisnayn daraasado cilmi ah oo ay dhiseen aqoon yahan aad u dhuuxa waxa dunida ka socda isla markaana waddani ah?

Haddii mucaarad iyo muxaafidba uu kursigu u noqdo yoolka ugu wayn se muxuu ku dambaynayaa aayaha dalku, maadaama aannu arkayno in siyaasiyiin badan aanu dalku uga dhignayn wax ka badan catirta dhiilaha la culay lagu tirtiro, sufaho badan oo sidaa ku taageersanina ay jirto, iyagoo kaliya ka duulaya inay wadaagaan oday beri hore dhintay?

Xusuuso murtidii Charless De Guille oo beri dhexdeer ah yiri: ”Shacab kasta waxay mutaan madaxda ay istaahilaan”, waloow ay sidoo kale madaxda wanaagsani dhisi karaan ama abaabuli karaan shacab suubban, misna labadaa sifo ee siyaasi iyo shacab wanaagsani waa kuwo isla gudboon oo aan marna kala harin.

Haddii ay Somalia sanadaha yar yar ee soo socda kusii jirto qaabkan kala qoqoban ee qabiilaysiga iyo qorshe la’aanta ku dhisan oo aysan helin siyaasad midaysan, waxaa adkaan doonta si uu kusii jiri karo qaran Somalia la yiraahdo, sababtuna waxay tahay inay jiraan quruumo qalaad oo ku midaysan inay qaataan xoolaha Somalia, halka aanan hubin inay Somalia ku midaysan tahay sidii ay ku difaacan lahayd malabkaa dameerka saaran?

Haddii aanu jirin shacab dhexe oo leh u qaybsane mid ah oo ay ilaashadaan, balse ay ku kala daba faylaan dhowr ma nexe oo naarta u wada, ma siyaasiga oo qura ayaan eedaynaa mise shacabkuna waa khaldan yahay?

Waa su’aalo jawaabo u baahan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media