MURUGO: Hooyo nuujinaysa 20 carruur ah oo hooyooyinkood Talaadadii ay Daacish ku laysay magaalada Kabul + Sawirro

0

(Kabul) 14 Maajo 2020 – Hooyo Afghani ah ayaa ku tabarrucday inay nuujiso 20 carruur ah oo dhowaan ku dhashay isbitaal ku yaalla caasimadda Kabul, kaddib markii la laayey hooyooyinkood, umulisooyinkii iyo kalkaaliyaashii isbitaalka.

Feroza Younis Omar ayaa nuujinaysa carruurtan aan nasiibka u helin naaska hooyooyinkood kaddib markii uu niman qoryo ku hubaysan oo Daacish ka tirsani ay ku laayeen Isbitaal carruureed oo ay maamusho hay’adda Dhakhaatiirka aan Xuduudda lahayn oo ku yaalla Kabul.

24 qof ayaa weerarkaa naxariis darrada ah ee jirran ku dhintay, waxaana dadka dhintay ku jirey 2 carruur ah oo markaa uun dhashay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.

Feroza Younis Omar, oo ah hooyada ilmo yar oo 14-bilood jir ah kana shaqeeysa Wasaaradda Dhaqaalaha, ayaa caawinaysa carruurtan oo hadda ku jira Ataturk Hospital ee Kabul.

”Kulligeen waxaa na burburiyey mujrimiinta insaaniyaddii ku baabi’inaya Afghanistan.” ayay tiri.

Nimankan oo 3 ahaa una soo lebbistey sidii Booliis ayaa Talaadadii galay isbitaalka carruurta, iyagoo bambooyin ku tuuray kahor intaysan mid mid u toogan wax kasta oo kasoo hor baxa.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay weerarkii ugu xumaa ee ay dhowaanahan gaystaan kooxaha argagixisada ah ee bilaa naxariista ah.

Hadalsame Media