”Yaan darteey loo xanaaqin!” – Silvia Romano oo markii ugu horreeysey ka hadashay weerarka nacaybka ah ee lagu qaaday

0

(Milano) 15 Maajo 2020 – Waxaa markii ugu horreeysey tan iyo bilowgii moowjad nacayb, hanjabaad, aflagaaddo iyo eed ah soo hadashay Silvia Romano oo Axaddii uun Talyaaniga kusoo noqotay.

“Waxaan idin waydiisanayaa inaydnaan xanaaqin marka aad i difaacaysaan, xumaydu hadda waa dhamaatay.” ayay tiri Silvia Romano, oo warkan soo dhigtay barteeda Facebook. “Dhamaanba asxaabtii qalbigayga ku dhowaa mudadada dheer, mahadsanidiin,” ayay raacisay.

“Mahadsanidiin kuwa aynaan saaxiibbo ahayn, balse aan macriifo nahay ama aanan is aqoonin balse iga fikirayey,” ayay qortay Silvia oo 18 bilood ku afduubnayd Somalia lana sii daayey Sabtigii.

“Dhamaan cid kasta oo waalidkeey iyo walaasheey u taageertayo sidan gaarka ah ee lama filaanka ah waa wax aad loogu farxo aad baanna abaal idiinkaga hayaa. Ma sugi karaynin inaan dayuuradda kasoo boodo ee aan hab siiyo dadka iigu muhiimsan noloshayda ee aan weli dareemayo diirranaantooda iyo jacaylkooda xitaa aniga oo dhar kale xiran,” ayay tiri.

Silvia ayaa moowqifkeeda markale caddaysay: “Waan faraxsan ahay maxaa yeelay waxaan dib u helay dadkii aan jeclaa oo weli taagan, Ilaah baa mahad le, waloow ay xanuun badan qabaan. Had iyo goor waxaan raacaa qalbigayga abidkayga taa bedeli maayo. Waxaan idinka codsanayaa inaydnaan xanaaqin marka aad i difaacaysaan, xumaydu hadda waa dhamaatay. Waa baaqaygii ugu dambeeyey, aannu hab isa siinno. Waan idin jeclahay.” ayay kusoo afjartay.

Booliiska ayaa iminka dusha sare kala socda waxa imanaya xaafadda Silvia iyo agagaarkeeda, waxaana la hubinayaa farriimaha ku qoran ubaxyada loosoo dirayo, kuwaasoo ay midkood soo jiidasho lahayd: “Marka uu jahligu qayliyo, caqligu wuu aamusaa! Soo noqon wacan Silvia”, ayaa lagu qoray.

Hadalsame Media