DAAWO: ”Waan kula jirnaa” – Muslimiinta Talyaaniga oo farriimo HIILLO ah usoo diray Silvia Romano

0
Foto Filippo Attili/Palazzo Chigi/LaPresse 10-05-2020 Roma, Italia PoliticaIl Presidente del Consiglio Giuseppe Conte accoglie Silvia Romano al suo arrivo a CiampinoDISTRIBUTION FREE OF CHARGE - NOT FOR SALE - Obbligatorio citare la fonte LaPresse/Palazzo Chigi/Filippo Attili

(Roma) 14 Maajo 2020 – Xilli ay weerarro takoor ah wajahayso gabadha soo Muslintay ee Silvia Romano oo Axaddii Talyaaniga kusoo noqotay kaddib 18 bilood oo ay ku qafaalnayd Somalia ayaa waxay taageero ka heshay Muslimiinta Talyaaniga.

Qaar badan oo ka mid ah Muslimiinta Talyaaniga ayaa farriimo soo dhowayn, hiillo, taageero iyo laab qaboojin ah qaab muuqaal ah usoo duubay, iyagoo ku celcelinaya ”soo noqod wanaagsan, waan ku faraxsan nahay dookhaaga, aan is aragno iwm”.

Silvi ayaa la kulmaysa weerarro Islaam nacayb ah oo baahsan iyadoo uu xitaa Baarlamanka Talyaaniga ka tirsan oo xubin ka ah Xisbiga xag-jirka ah ee Lega Nord uu ku tilmaamay ”argagixiso cusub”, halka uu nin kale oo isla xisbigaa ka tirsan oo reer Treviso ihi ku baaqay ”in la daldalo.”

Waxaa sidoo kale waraaq hanjabaad ah laga helay agagaarka xaafadda ay kaga nooshahay Milano.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka…

Hadalsame Media