”Waxaan u jeedaa halaag & anshax xumo ee ma arko qof xorriyadeeda ku Islaamtay!” – Maryan Ismaaciil

0

(Milano) 14 Maajo 2020 – Gabar ka mid ah Soomaalida muddada dheer ku noolayd dalka Talyaaniga gaar ahaan Milano ayaa weerar ku qaadday sheekada ah inay Muslintay Silvia Romano oo dhowaan madax furasho lagu soo daayey, taasoo ay ku tilmaantay mid halaag ah oo ka fog anshaxa.

”Ma ahayn dookh xor ah, qaadashada Islaamku waa inay ku timaadaa dariiq qurux badan oo sharaf leh, ee ma aha xaaladda xanuunka badan ee ay gabadhani soo martay.” ayay tiri Maryan Ismaaciil oo sheegtay inay tahay qof yaqaan raadadkii hore (anthropologist) oo warkan kusoo qortay Facebook.

“Ma qiyaasi karnaa cabsida, argagaxa, quusta, nuglaanta iyo naxdinta ay soo martay? Waxaan akhrinnay sheekooyin badan oo ku saabsan gabdho Yazidi, Kurdish, Afghan, Soomaali, Ciraaqi, Libyaan iyo Yamani, marka waan fahmi karaa xaaladda Silvia. Haddii aan booskeeda ku jiri lahaa wax kasta ayaan qaadan lahaa si aan isu badbaadiyo.” ayay daba dhigtay.

Maryan ayaa sheegtay in qof laga soo afduubtay tigaadleeyda Kenya ee lasoo taagey albaabbada Muqdisho ay tahay qof soo martay xaalad calwasaad leh oo qofka ku ridaysa diiqadda PTSD.

“Ma arko diintii qurxoonayd, waxaan arkayaa laynta dad aan waxba galabsan sida 600 oo hal mar Muqdisho lagu diley, 148 arday ah oo Gaarisa lagu xasuuqay, Soomaalidu waa ogtahay xanuunka, aadmi ka baxa iyo urugada ay sababaan kooxda Shabaabku, laftayda walaalkay baa lagu diley, taasoo iga caraysiisa, balse i siisa awood aan ku sharroxo inaysan waxan ay wadaan aanay Islaam fiican ahayn.” ayay daba dhigtay Maryan.

Maryan ayaa ugu dambayn sheegtay in haddii ay ka ogolaato ay diyaar u tahay inay la kulanto Silvia si ay ugu sharraxdo dhaqanka quruxda badan ee Soomaalida oo ay tilmaantay inay waagii hore haysan jirtey  Dariiqada Suufiga, kahor intaanu halaagani iman, isla markaana ay tusi doonto kitaabkii Qur’aanka ahaa ee af Soomaaliga lagu tarjumey ee uu aabaheed haysan jirey, sida ay tiri.

Talyaaniga ayaa waxaa ka oogan dood gaartey xitaa Baarlamanka dalkaasi oo ku saabsan arrintan, waxaa sidoo kale xitaa jira dad Soomaali ah oo laftoodu doodo ka qaba arrinta Silvia.

Hadalsame Media