Ceeb & munaafaqad lagu wajahayo arrinta Silvia oo lasoo bandhigay (Akhri arrinta raggan sawirka ka muuqda)

0

(Bologna) 14 Maajo 2020 – Cathy La Torre o ah gayfane ka ololaysa midab takoorka iyo sinji quursi una dhalatay Talyaaniga, ayaa bogeeda Instagram ku faafisay sheeko xiise badan oo dood cusub abuurtay, taasoo muujinaysa munaafaqadda lagu wajahayo Silvia Romano iyo Islaam qaadashadeeda, iyadoo sheegtay in loo maagayo inay haween tahay oo qura.

Hadalsame Media ayaa tarjumey qoraalka oo ay Cathy kusoo qortay af Talyaani fikirkeedana sababaynaya waa sidan:

”Sanadkii tegey oo qura waxaa soo Islaamay 3 qof oo Talyaani ah oo ay sii daayeen afduubtayaal haystey waxayna kala ahaayeen: Luca Tacchetti, Alessandro Sandrini iyo Sergio Zanotti.

Qofka 1-aad wuxuu aadey Afrika waxaana Burkina Faso ku afduubtay kooxda argagixisad ah ee Jnim, oo xiriir la leh Al Qaeda. Waxaa la sii daayey kaddib 15 bilood, oo ku beegnayd bil uun kahor.

Wuxuu qaatay Islaamka, mana jirin hal qof oo dood yar ka keenay, ka cowday ama ka hadlay.

Qofka 2-aad waxaa xadka Turkiga iyo Suuriya ku qabsaday koox fulisa dembiyada agaasiman, waxaana halkaa lagu haystey 3 sanadood, waxaana lagu sii daayey wada xaajood.

Wuxuu qaatay Islaamka mana jirin qof ka dooday, u dhaartay ama dookhiisa ku qoslay.

Qofka 3-aad, waa ganacsade Turkiga u tegey inuu soo iibsado Diinnaarkii qadiimiga ahaa si uu Yurub ugu sii iibiyo, waxa uu 3 sano u afduubnaa Al Qaacida, waxaa lagu soo furtay wada xaajood, sirdoon iyo diblomaasiyad.

Wuxuu qaatay Diinta Islaamka, mana jirin hal qof oo xitaa soo hadal qaaday.

Waxaa halkan taagan 3 nin oo Talyaani ah oo ay sheekadoodu la mid tahay midda Silvia, ma jirin qof maagay ama ka hadlay waxa ay guursadeen, waxa ay mareen iyo waxa ay samaynayaan.

Aanu runta isu sheegnee sow ma aha in Caa’isha lagu maagayo inay dumar tahay?

Xor ka noqo doorka ay kuu dhiseen bulsho xanuunsan.

Xor u noqo inaad qaadato diinta aad doonayso

Xor u noqo inaad Jalaabiib xirato

Xor u noqo inaad ahaato Caa’isha.” ayay Cathy warkeeda kusoo koobtay.

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

Solo nell’ultimo anno sono stati liberati altri tre cittadini italiani: Luca Tacchetto, Alessandro Sandrini e Sergio Zanotti. Il primo, recatosi in Africa per un viaggio con un’amica, fu catturato in Burkina Faso dal gruppo terrorista Jnim, una cellula di Al Qaeda. Dopo 15 mesi, la liberazione, avvenuta appena un mese fa. Si è convertito all’Islam. Nessuno, giustamente, ha avuto nulla da ridire. Il secondo, condannato per due rapine a mano armata recatosi in Turchia per una vacanza, fu catturato al confine con la Siria e sequestrato per tre anni da una banda criminale. Fu liberato grazie ad una negoziato. Si è convertito all’Islam. Nessuno, giustamente, ha avuto nulla da ridere. Il terzo, un imprenditore andato in Turchia per cercare di acquistare dinari antichi da rivendere in Europa, è stato sequestrato per tre anni da Al Qaeda. La sua liberazione è avvenuta “a conclusione di una complessa e delicata attività di intelligence, investigativa e diplomatica”. Cioè con un negoziato. Nessuno, giustamente, ha avuto nulla da ridire. Tre italiani, tre storie diverse, accomunate tutte da un elemento: la presenza di tre uomini, verso la cui liberazione (e conversione) nessuno ha avuto nulla da ridire. Verso cui nessuno ha fatto illazioni di natura sessuale. E allora diciamolo chiaramente: il vostro problema è l’aver visto una donna. Una donna libera e indipendente. Libera dal ruolo costruitole su misura da una società malata. Libera di “andare a casa loro” e di aiutare dei bambini bisognosi. Libera di convertirsi. Libera di indossare uno jilbab. Libera di essere semplicemente Aisha. #silviaromano #lucatacchetto #alessandrosandrini #sergiozanotti #aisha #silviaromanolibera #silviaromanoèlibera #donnelibere #libertá

Ett inlägg delat av Cathy La Torre (@avvocathy)

Hadalsame Media