Goorta la muddeeynayo qabsoomidda Doorashada Somalia 2021 oo la shaaciyey (Waa goorma?)

0

(Muqdisho) 13 Maajo 2020 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Somalia, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ku magac dheer Xaliimo Yareey, ayaa sheegtay inay Baarlamanka Dhexe hortegayaan dabayaaqada bishan Maajo, si looga wada hadlo xilliga ay dhacayso Doorashada Dhexe, taasoo waafaqsan Xeerka Qaranka.

Xaliimo Yareey ayaa idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho u sheegtay inay 27-ka bisha Maajo ay Baarlamanka hor dhigayaan xogaha ay ka diyaariyeen Doorashada soo socota.

”Wuxuu noogu diyaarsan yahay si wanaagsan, waxaanna hor tegeynaa 27-ka Maajo, wixii aannu la hortegi lahaynna waannu ka shaqaynay.” ayay tiri Xaliimo Yareey.

Xeerka Qaranka ama Dastuurka ayaa qaba in ugu yaraan 180 maalmood kahor xilliga ay doorashadu qabsoomayso lasii muddeeyaa.

Lama oga sida uu kulankani farsamo ahaan ku qabsoomi karo xilli lagu jiro caabuq sidaha Covid-19 oo ay adag tahay in shirar caadi ah la qabto iyo in khadka lagu qaban doono iyo in kale.

Sidoo kale ma cadda in doorashada dib loo riixi doono iyo in waqtigeeda lagu qaban kari doono, jeer ay asxaabta mucaaradku ku celcelinayaan in waqtigeeda la qabto.

Hadalsame Media