Kenya oo diyaarisay 6 tiir oo shuruud u ah inay ka baxdo Somalia (Baraawe oo ay ku dartay Jubbaland oo ay uga warrantay sidii meel ay iyadu ka taliso)

0

(Nairobi) 13 Maajo 2020 – Ciidamada Xoogga Kenya ee KDF ayaa soo saaray 6 tiir oo ay sheegeen inay asaasi u yihiin ka bixitaankooda Somalia, iyadoo qayb ka ah AMISOM oo lagu wado inay dalka ka baxdo Diseembar 2021.

Qorshaha Kenya oo ku faahfaahsan buug dhan oo la yiraahdo Dagaalkii Nabadda: Millateriga Kenya ee Howlgalka AMISOM 2011-2020 (War for Peace: Kenya’s Military in the African Mission in Somalia, 2011-2020), ayaa waxaa soo saaray Taliyihii Hore ee Xoogga KDF, Samson Mwathethe.

Tiirka 1-aad waxaa ka mid ah abuurista jawi saamaxaya in ay baxaan ciidanka AMISOM, sida dib u habaynta Ciidamada Xoogga Dalka (SNA), si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amaanka qaranka.

JUBBALAND XASILLOON

Tiirka 2-aad ee Kenya waa abuurista wax ay ku sheegtay Jubbaland xasilloon, nabdoon isla markaana barwaaqaysan, xorna ka ah Al Shabaab.

Waxaa ka mid ah sida buugga ku xusan xoreeynta Jilib, jidadka gala xadka Kenya (Libooya, Ceelwaaq, Mandheera, Gerilleey iyo kaymaha Boni Forest) iyo dekedaha Badwaynta Hindiya ee Ras Kambooni, Kudhaa, Kismaayo iyo Baraawe, iyada oo la abuurayo muwaafaqo dher marta Jubbaland, Muqdisho iyo Somalia inteeda kale. Lama oga goorta ay Baraawe Jubbaland ka mid noqotay, iyo goorta ay Jubbaland noqotay gobol la dagaalsan Muqdisho iyo Somalia.

Tiirka 3-aad wuxuu dhigayaa in la sameeyo qaab lagu xakameeyo xadka Kenya-Somalia, waxaana ka mid ah geeddi socod lagu dhisayo hannaan ilaalo hawada ah iyo dhufayso dhulka iyo jidadka laga qodayo, sidoo kale derbi xadka laga dhisayo.

Waxaa xafiisyo socdaal laga dhisayaa meelaha waawayn ee la iskaga tillaabo sida Mandheera, Ceelwaaq, Gerilleey, Libooya, Kolbio iyo Kiyuunga.

Tiirka 4-aad wuxuu dhigayaa in la xoojiyo wada shaqaynta hay’aadka dowladeed ee ku shaqada leh arrimaha sugidda amaanka xadka iyo meelo kale, min  Nairobi, Mombasa, Wajeer, Mooyaale, Busia, Namanga, Lamu iyo Lokichoggio, iyadoo la xoojinayo howlaha sirdoonka iyo amaanka.

Tiirka 5-aad wuxuu yahay xoojinta xiriir dhanka amaanka ah oo dhex mara Kenya, Somalia iyo Ethiopia, waxaa sidoo kale arrintan laga qayb gelinayaa IGAD iyo  East African Community.

Tiirka 6-aad ee ugu dambeeya in bulshada lala shaqeeyo si loo abuuro jawi feejignaan ku dhisan, iyadoo diiradda la saarayo haweenka, dhallinyarada iyo ururrada diimaha iyo in dalalka gobolku ka wada qaataan tababarro ku aaddan la dagaallanka xag-jirnimada iyo argagixisada.

QM ayaa qaraar kasoo baxay Goleheeda AMaanka oo uu tirsigiisu ahaa 2472 waxay 31-kii Maajo ee 2019-kii ku amartay inay Ciidamada Shisheeye dalka ka baxaan iyaga oo amaanka ku wareejinaya Ciidamada Somalia, balse lama oga sida ay sanad wax aan ka badnayn ku suurageli doonto.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media