”Xiriirkeenna ayay u daran tahay!” – RW Angela Merkel oo kashiftay arrin halis ah oo uu Ruushka kula kacay!

0

(Berlin) 13 Maajo 2020 – RW Jarmanka ee Angela Merkel ayaa daboolka ka qaadday in ay hayso ”caddayn” muujinaysa in ay Ruushku kusoo qaadeen weerar ay ku doonayeen inay ku jabsadaan koontooyinkeeda.

Shansalarka Jarmanka ayaa Baarlamanka Jarmanka ee Bundestag ku tiri: ”Waxaan daacaddii sheegi karaa inay i xanuujinayso inaan isku deyayo inaan xiriir wanaagsan Ruushka la sameeyo, balse ay iyaguna sidan yeelayaan.”

Warkan ayaa imanaya kaddib markii uu todobaadkii hore uu warqaadka Der Spiegel weriyey in garabka Sirdoonka ugu qaybsan Millateriga Ruushka ee GRU uu u dhacay email-da degaan doorashada Merkel 2015-kii.

Merkel ayaa sheegtay inay baaritaanka ku ogaadeen cidda weerarka soo qaadday, balse nasiib xumo ay garaysatay inaysan waxani ku cusbayn wax ay isku sheegtay jahawareerinta xogaha oo ah istaraatijiyad u degsan Ruushka.

Merkel ayaa intaa raacisay inay si kastaba ku ”dadaali doonto sii wadista xiriir wanaagsan oo ay Ruushka la yeeshaan, balse aysan arrimahan oo kale taa caawinaynin oo ay adkaynayaan.”

Ruushanka ayaa eedaymahan iska fogeeyey.

Hadalsame Media