Ciidamada AMISOM oo diiwaan geliyey kiisaskii ugu badnaa ee Covid-19 (Qaar weli la qarinayo & tirada kuwa Somalia)

0

(Muqdisho) 11 Maajo 2020 – Jeer ay sare u kacayaan kiisaska karoonaha ee Somalia oo iminka ah dalka 2-aad ee ugu daran Bariga Afrika oo idil, ayaa waxaa soo baxaysa in askarta AMISOM uu cudurku ku faafayo.

Ilo ku dhow AMISOM ayaa The EastAfrican u sheegay in la xaqiijiyey 30 kiis oo cudurka ah oo laga helay ciidamada Uganda, halka 7 kale laga sheegay kuwa Burundi, halka aanba wacaal laga heynin dalalka kale ee AMISOM sida Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo aan iyagu kaba hadal kiisaska karoonaha ee ciidankooda.

Ciidamada cudurkan laga helay ayaa iminka lagu dabiibayaa xerada Xalane, iyadoo arrintooda laga dhigay sir ciidan oo aan xog badan laga heli karin.

Somalia oo aan lahayn kaabayaal caafimaad oo wax gal ah ayaa waloow ay 2 todobaad kahor diiwaan gelisey 26 kiis oo karoona ah, iminka sii dhaafaysa 1,089 kiis iyo 51 dhimasho ah.

Hadalsame Media