QM oo ka hadashay cidda qabanqaabisay SHIR-KHADEED looga hadlay daadadka Qardho (Arag qoraallada)

0

(Muqdisho) 11 Maajo 2020 – Ergayga Gaarka ah ee QM u fadhiya Somalia, Md James Swan oo maamula xafiiska UNSOM ayaa ka hadlay kulan maanta uu khadka telefoonka kula yeeshay RW Somalia, Xasan Cali Khayrre & MW Puntland, Siciid Deni si loo agaasimo gargaarka daadadka Qardho.

DF Somalia oo xubno sare kulanka uga qayb galeen ayaa sheegtay inay kulankan iyadu soo agaasintey, balse maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in DF ay shir khadeedkan goobjoog oo qura ka ahayd.

Ha yeeshee, waxaa isagu arrintan war kasoo saaray Xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM oo sheegay in DF Somalia ay iyadu iskugu yeertey Beesha Caalamka, iyada oo uu wehliyo MW Deniga Puntland.

Shacab badan oo waxgarad ah oo ay ku jiraan kuwa ku sugan degaannada Puntland ayaa baraha bulshada ku qoray warar ay ku dhaliilayaan MW Deni oo ay ku eedeeyeen inuu dafirayo doorka Dowladda Dhexe ee Federaalka ah.

Hadalsame Media