RASMI: Dowladda Ingiriiska oo si rasmi ah u shaacisay inuu dib u bilaabmayo Horyaalka EPL (Taariikhda)

0

(London) 11 Maajo 2020 – Dowladda UK ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga uu dib u bilaabmayo Horyaalka EPL ee Ingiriiska, waloow aanay taageerayaashu garoonka soo geli doonin ilaa tallaal looga helayo Covid-19.

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday in Horyaalka EPL uu dib u bilaabmi doono bisha soo addan Juun 1.

Waxaa maanta lasoo saaray hab-raac ay Dowladdu dejisey xakamaynta faafitaanka coronavirus, waxaana lagu tusmeeyey sida wax loo qabanay iyada oo maanka lagu hayo faya-dhowrka iyo caafimaadka.

Tillaabooyinka cusub waxaa ka mid ah in wixii loo gaaro 1-da Juun ay qabsoomi karaan dhacdooyinka dhaqan iyo kuwa ciyaareed, iyada oo aanay dadwayne kasoo qayb gelin, balse TV-ga laga soo daynayo,.

Yeelkeede, wax kasta waxay weli ku xiran yihiin sida ay xaaladdu noqoto waqtiga la muddeeyey, iyadoo ay muhim tahay inuu mudadaa hoos u dhoco faafitaanka Covid-19.

Hadalsame Media