”Waxaad noo tahay bartilmaameed xaq ah!” – Turkiga oo lahjadda ugu adag ugu hanjabey hoggaamiye kooxeedka Khaliifa Xaftar

0
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2019-06-19 14:21:23Z | | ÿÿÿ ÿuÃ./·/

(Ankara) 10 Maajo 2020 – Turkey ayaa hanjabaad toos ah u diray Jeneraalka hoggaamiye kooxeedka noqday ee Khalifa Hifter iyo malliishiyadiisa, kaasoo ay sheegeen in ay ka dhigan doonaan “bartilmaameed sharci ah, haddii uu isku taabto danaha Turkiga ee Libya.”

Wasaarad Dibadeedka Turkishka ayaa goor dhow sheegtay in Xaftar uu beryahan kordhiyey weerarrada uu ku qaadayo dadka rayidka ah iyo kaabayaasha magaalada, gaar ahaan caasimadda Tripoli, isaga oo aan cidna u aaba yeelaynin.

Waxay sheegeen in shalay oo qura uu magaaladaa u gaystey duqayn ba’an oo uu ilaa 100 gantaal ku dhuftay goobaha rayidka ee Tripoli.

Waxay Turkigu sheegeen in duqaymahaa lagu bartilmaameedsaday goobo diblomaasiyadeed, sida Safaaradda Turkiga ee Tripoli, Garoonka Maitika, dayuurad rayid ahayd oo duuli rabtey iyo kaabayaasha rayidka ah, taasoo ay ku dhinteen dad aad u fara badan isla markaana ka dhigan dembi dagaal.

“Waxaannu Xaftar u arki doonnaa bartilmaameed xaq ah haddii uu bartilmaameedsado daneheenna Libya.” ayay ku gooddisey Wasaaraddu.

Wasaaradda ayaa intaa raacisay inaan loosii dulqaadan doonin aamusnaanta QM oo eeganaysa jarriimada Xaftar, sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo sheegay inuu Xaftar dagaal wado iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka isla markaana lala tacaalayo cudurka karoonaha.

Waxay Turkigu ballan qaadeen inay sii taageerayaan dowladda la aqoonsan yahay ee GNA oo beryahan guulo kasoo hooyneysey dagaal rogaal celis ah oo ay ku qaadday ciidamada LNA ee Xaftar oo isna duqayn uga aar gudanaya Tripoli.

Hadalsame Media