DAAWO: Dowladda KENYA oo laba wejiilennimo kula dhaqmaysa Soomaalida Eastleigh (Jidadkii oo ka xiran & jirro lagu fasaxay)

0

(Nairobi) 10 Maajo 2020 – Dowladda Kenya ayaa 4 maalmood kahor soo rogtey handaraab gaar ah oo lagu joojinayo gebi ahaanba dhaqdhaqaaqa xaafadda Eastleigh iyo qaybaha qadiimiga ah ee Mombasa, kaddib markii ay halkaa ku kordheen kiisaska COVID-19.

“Ma jiri doono wax dhaqdhaqaaa ah oo gelaya ama kasoo bixi kara Eastleigh iyo Old Town oo Mombasa ah wixii ka bilowda 7-da fiidnimo ee caawa muddo 15 maalmood ah,” ayuu yiri Xogahaya Caafimaadka, Mutahi Kagwe.

Yeelkeede, waxay sawirradu qabteen gawaaqi Qaad ka buuxo oo lagu fasaxayo xaafadda Eastleigh oo ku jirta handaraabka laba jibbaaran ee ay soo rogtey Dowladda Kenya.

Arrintan kusoo beegmaysa xilli xaafadda loo handaraabay in la xakameeyo coronavirus, ayay dad badani laba wejiilannimo iyo danayn la’aan ku tilmaameen in xaafadda oo aan socodka caadiga ah loo ogolayn daroogo lagu sii dhex daayo.

”Dowladda Kenya wax ay dadka siiso waxaa ka jirta xog-siin maalmeedka. Alloow na badbaadi.” ayuu Twitter kusoo qoray siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin.

Hadalsame Media