Talyaaniga oo kashifay dad aan horay loo ogayn oo ka qayb qaatay fakinta Silvia (Afduubayaasha magacyadooda & mid ka tirsan oo baxsaday)

0

(Roma) 10 Maajo 2020 – Saxaafadda Talyaaniga oo maanta si aad ah uga hadlaysa sii daynta Silvia Romano oo maanta duhur liiqii soo gaartey Talyaaniga ayaa kashiftay cidda gacan ka gaysatey sii daynta gabadhaa samafalka ka shaqaynaysey oo la haystey 18 bilood.

Sida ku qoran mareego u ka mid yahay Repubblica iyo wakaaladda ANSA, waxaa soo furashada Silvia gacan ka gaystey dowladda Turkiga oo kaashanaysa DF iyo xubno ka tirsan kooxda Shabaab ee gabadha qafaalka ku haystey.

Dhanka kale, Kenya ayaa qabatay maxkamadna soo taagtey 3 qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka maleegey afduubka Silvia oo kala ah: Moses Luwali Chembe, Abdalla Gababa Wario iyo Ibraihm Adam Omar.

Ninka dambe ee Adam Omar, oo damaanad lagu sii daayey, laguna sheegay ninka ugu khatarsan seddaxdooda, ayaa la xaqiijiyey inuu baxsaday.

Hadalsame Media

Facebook Comments