DAAWO: Saxaafadda Talyaaniga oo ka shakisan inay ”Diinta Islaamka qaadatay” gabadhii shalay lasoo furtay!

0
A handout photo made available by the Chigi Palace (Palazzo Chigi) Press Office shows italian cooperator, Silvia Romano, wearing a green tunic, hugging her family upne her arrivla at the Ciampino airport, Rome, Italy, 10 May 2020. Silvia Romano was kidnapped on Novembre 2018 in Kenya. Ansa/ Chigi Palace Press Office +++ ANSA PROVIDES ACCESS TO THIS HANDOUT PHOTO TO BE USED SOLELY TO ILLUSTRATE NEWS REPORTING OR COMMENTARY ON THE FACTS OR EVENTS DEPICTED IN THIS IMAGE; NO ARCHIVING; NO LICENSING +++

(Milano) 10 Maajo 2020 – Waxaa shalay lasoo furtay Silvia Romano oo 18 bilood kahor laga soo qafaashay dalka Kenya, iyadoo u shaqaynaysey hay’adda samafal ee Africa Milele, 20-kii Nofeembar 2018 iyadoo ku sugnayd tuulo faqri ah oo Chakama la yiraahdo oo ilaa 356 KM u jirta caasimadda Nairobi.

Silvia ayaa isla shalayba Talyaaniga ka degtey iyadoo ku joogta dayuurad gaar ah, waxaana soo dhoweeyey Dowladda Talyaaniga ee Roma, walaasheed iyo waalidkeed iyadoo u gudubtey magaaladeeda Milano oo ay dersaantu u sacbinayeen, kaddib markii ay meel 30 km Muqdisho u jirta kasoo furteen ciidamada gaarka ah ee Somalia, Turkiga iyo Talyaaniga

Yeelkeede, warbaahinta Talyaaniga ayaa il gorgor ku eegaysa hab lebbiska muxaafidka ah ee Silvia oo ay sheegeen inay ku lebbisan tahay hab-dhaqameedka Soomaalida ee asturan, sida lagu qoray La Republica.

“Waxaan filayney qof hiyi kacsan, balse waxay u muuqataa qof ay wax kasta caadi u yihiin oo muujinaysa degganaan iyo adayg aan caadi ahayn oo dhanka niyadda ah” ayuu yiri Danjiraha Talyaaniga ee Somalia, Alberto Vecchi, oo shalay Muqdisho kusoo dhoweeyey.

“Way faraxsanayd oo dhoolla caddayneysey ugu dambaynna waxay fursad u heshay inay pizza cunto” ayuu raaciyey.

Saxaafadda Talyaaniga haddaba miiska soo saartay aragti sheegaysa inay dhici karto inay Silvia soo Islaamtay muddadii ay xabsiga ku jirtey.

Ilaha qaar ayaaba intaa dhaafiyey oo sheegaya inay guursatey mid ka mid ah kuwii haystey iyadoo raacaysa ”sharciga Islaamka”, waloow uu diblomaasi Talyaani ihi uu sheegay in dhar xirashadani ay xaaladdii goobta ka dhalatay balse aanay la xiriirin tillaabo ruuxi ah, balse ay iyaduba hadli doonto.

A handout photo made available by the Chigi Palace (Palazzo Chigi) Press Office shows italian cooperator, Silvia Romano, wearing a green tunic, hugging her family upne her arrivla at the Ciampino airport, Rome, Italy, 10 May 2020. Silvia Romano was kidnapped on Novembre 2018 in Kenya. Ansa/ Chigi Palace Press Office
+++ ANSA PROVIDES ACCESS TO THIS HANDOUT PHOTO TO BE USED SOLELY TO ILLUSTRATE NEWS REPORTING OR COMMENTARY ON THE FACTS OR EVENTS DEPICTED IN THIS IMAGE; NO ARCHIVING; NO LICENSING +++

Hadalsame Media