DAAWO: Turkiga uu sameeyey Taangi isagu is wada noocii ugu horreeyey & kun shaqo oo uu qaban karo!

0

(Ankara) 10 Maajo 2020 – Taangi ah nooca isagu is wada (UGV) oo uu Turkigu farsameeyey ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda SSB iyo ASELSAN, sida uu sheegay Guddoonka SSB İsmail Demir.

Kaddib markii lagu guulaystey tijaabada taangi yarahan is wada oo ah noocii ugu horreeyey UGV ah oo dabaqadda dhexe ah ee uu Turkigu dhiso, ayaa waxaa la bilaabayaa soo saarista isaga oo rasmi ah, iyadoo marka hore lagu qalabaynayo Ciidamada Turkiga, gaar ahaan kuwa dhulka, iyada oo ay kuwa cirku horay u haysteen dayuuradaha is wada (UAV) ee uu Turkigu sameeyo, iyadoo lala kaashanayo shirkadda Turkiga ah ee Katmerciler.

Taangiyadan ayaa loogu tala galay sahanka heerka sare ah, meelaynta bartilmaameedyada, hoggaaminta hubka iyo adeegyo kale, isagoo u howlgeli kara si madax bannaan isla markaana ku socon kara oogo-dhuleedyo iyo bay’o kala duwan.

Taangi-yarahan oo fogaanta laga hago ayaan sidoo kale bixinaynin kul ay garan karaan raadaarradu, isagoo ay ku rakiban yihiin qoryo xajmi sare leh oo saaran tooreedkiisa oo si hufan oo sahlan u warwareegi kara. Haddii lagu xariiriyo dayax gacmeedkana wuxuu gaari karaa masaafo aad u fog.

Waxaa kale oo loo farsameeyay inuu ka shaqeeyo hagitaanka agabyada kale ee basaaska ah, gawaarida dhaawaca lagu qaado, kuwa saanadda qaada, meelaha madaafiicda laga rido iyo degitaanka gaadiidka berri-biyoodka ah.

Hadalsame Media