Ciidamada AMISOM oo war is BURRINAYA kasoo saartay dayuuraddii Berdaale ku dhacday (Imisa meelood ayuu iska burrinayaa?)

0

(Muqdisho) 09 Maajo 2020 – Maamulka AMISOM ee Midowga Afrika ayaa war kasoo saartay dayuuraddii African Exp ee dhowaan lagu soo ridey Garoonka Berdaale, taasoo ay sheegtay inay 5 qofi ku dhinteen, si ka duwan warkii hore oo 6 sheegayey.

AMISOM oo soo saartay 7 qodob oo jahawareer badani ka muuqdo waxay sheegtay in ay dayuuraddu jiho khaldan kasoo gashay garoonka oo looga dego Bari ilaa Galbeed, balse ay iyadu kasoo gashay Galbeed ilaa Bari, iyadoo isku dayday inay ku dul degto qori Suug ah (Zu 23) iyo gaaneriyaashiisii, balse ay dayuuraddu dhacday maadaama aanay taayarradu degitaan u diyaaranayn.

Qodobka 4-aad ayaa misna ku sheegaysaa inay ciidamadii dhulka joogey ay dayuuradda uga shakiyeen inay ”is miidaamin” u dan lahayd, marka la eego qaabka ay u socotey.

Waloow qodobka 3-aad uu eedda u tirinayey cillado ay ka mid yihiin taayarrada oo aan diyaar ahayn iyo dayuuradda oo jiho kale garoonka kasoo gashay ee aanay ciidamadu soo ridin, qodobka 5-aad ayay AMISOM ku caddaynaysaa inay ciidamadu diyaaradda soo rideen, iyadoo eedda saaraya isgaarsiin la’aan, waloow ay qodobka 2-aad ku sheegeen inay wargeliyeen.

Waxay sidoo kale qodobka 6-aad ku xusayaan in ciidamada dayuuradda soo ridey aanay AMISOM ka tirsanayn, taasoo aan wax micne ah oo ridan sheekada ku kordhinaynin, maadaama ay Ciidamada noocaas ihi ay Somalia joogeen muddo dheer oo uu xiriir ka dhexeeyay, iyadoo ay AMISOM la howlgeleysey iyadoo aan bilowgii diidin inay dalka soo galaan ciidamo aan iyaga ka tirsanayn, ama aan ugu yaraan walaac ka muujin, xitaa markii ay shacab badan oo Soomaali ihi ka qayliyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee aan AMISOM ka tirsanayn ee dalka ku sugan ama markii ay doonaan iska soo gelaya.

Hadalsame Media