Taageerayaasha Ilhaan Cumar oo aad ugu qaybsamay go’aankeeda (Arag sababta aanay AIPAC u ahayn olog Ilhaan usoo kordhay)

0

(Washington, DC) 09 Maajo 2020 – Waxaa Maraykanka ka holcaysa dood ka dhalatay go’aan ay dad badani ku tilmaameen mid qaadan waa ah oo ay qaadatay Ilhaan Cumar oo saxiixday warqad ay wadatey hay’adda Israel u ololaysa ee AIPAC, oo ahayd cadowgeeda 1-aad tan iyo markii ay fariisatay xafiiska Washington D.C. oo lagu doonayo kordhinta cunaqabataynta Iiraan.

AIPAC ayaa beri dhowayd Ilhaan iyo asxaabteeda isbeddel doonka lagu tilmaamo ku mitaashey inay la mid yihiin kooxda ”Daacish”.

Maxay gayfanayaashu ka yiraahdeen?

Marcus Montgomery, oo ka tirsan Arab Center Washington DC aadna u raacraaca arrimaha Koongarayska, ayaa sheegay in tillaabada Cumar ay tahay “mid jahaweer leh” maadaama ay iyadu ka mid ahayd ”codadka” isbeddeldoonka ahaa ee cunaqabataynta diiddanaa, iyadoo beri dhowayd soo jeedisey xayiraadda laga qaado Iiraan si ay ula xaasho Covid-19.

“Haddana waxay saxiixday warqad si cad u taageeraysa mowqifka maamulka Maraykanka ee cunaqabataynta,” ayuu Montgomery u sheegay MEE.

Trita Parsi, Madaxwayne Xigeenka, Quincy Institute for Responsible Statecraft, oo ah nin u dooda in xiriir diblomaasi lala yeesho Iiraan, ayaa woxoogaa difaacey Ilhaan oo Twitter ka wajahaysa weerar holac ah.

“Waloow aanan ku raacsanayn saxiixa warqaddan, misna waxay ku taagan tahay mowqifkeedii ahaa in la yareeyo hubka laga iibinayo Bariga Dhexe iyo kuwa ku tunta xuquuqul insaanka,” ayuu Parsi Twitter kusoo qoray, isagoo sheegay inay ka badbadis tahay in lagu tilmaamo qof markii horeba aan xambaarsanayn qaddiyad run ah.

Ali Abunimah, oo wax ka asaasay Electronic Intifada, ayaa isna qayb ahaan difaacey Ilhaan, tiiyoo uu ”mid xun” ku sheegay go’aanka ay warqadda ku saxiixday.

“Jawaabaha qaar sida in la ”iibsadey” ama ”gacanta lagu dhigay” iwm, waxay awood siinayaan cadowgeenna,” ayuu soo qoray. “Waxaan Cumar ku boorrinayaa inay sharraxdo ama xitaa ka laabato go’aankeeda, aannu ficilkeeda cambaarayno, balse dhiiri gelinno shaqada fiican ee ay qabato [sic].”

Ari shabeel la heshiiyey?

Ahmed Bedier, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa sheegay in waloow ay warqadda saxiixday, ay misna AIPAC iyo saxaafadda midigta fogi (sida Fox News) xaaladda uga faa’iidaysan doonaan si ka fog danta Ilhaan oo ay si kastaba aad u neceb yihiin wax kasta oo ay u taagan tahay.

“Waxay isku dayi doonaan inay taageerayaasheeda sii kala qaybiyaan,” ayuu u sheegay MEE.

“Waxay taageeri doonaan wax kasta oo kasoo horjeeda Ilhaan, xitaa haddii ay ka imanayso cadowgooda.” ayuu daba dhigay Bedier.

Gayfane Jinan Shbat oo ka tirsan ADC ayaa waloow ay ka hor jeesatey weerarka shakhsiga ah ee lagu qaaday Ilhaan, misna waxay sheegtay inay sax tahay in la cambaareeyo go’aanka ay warqadda ku saxiixday.

“Ilhaan ma wada metehsi Muslimiinta Ameerika, Soomaalida Ameerika iyo qaxootiga Ameerika oo idil, waloow ay dad badani sare u eegayeen markii ay xilka la wareegtey, waa caadi in wax laga waydiiyo go’aamada ay qaadanayso.” ayay tiri Jinan.

Jinaan Shabcaat (bidix)

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media