Cudurka Covid-19 oo la sheegay in galmada la iskugu gudbin karo

0

(Beijing) 08 Maajo 2020 – Caabuq sidaha coronavirus ayaa la sheegay inuu ku faafi karo shahwada ragga, taasoo keenaysa suurtagalnimo ah inuu galmada ku faafi karo, sida ku cad daraasad ay sameeyeen cilmi baarayaal Chinese ah.

Koox ka tirsan Shangqiu Municipal Hospital ayaa baaray 38 nin xilligii uu cudurkani faraha ba’an ku hayey Shiinaha, bilihii Jannaayo iyo Febraayo.

Qiyaastii 16% raggaa ka mid ah waa shahwadooda laga helay fayruska karoonaha, kuwaasoo rubac ka mid ihi ku jireen xaalad daran, halka 9% ay soo kabanayeen xilligaasi, sida lagu faafiyey JAMA Network Open.

“Waxaannu ogaanney in SARS-CoV-2 ay ku jirto shahwada bukaannada COVID-19, halka SARS-CoV-2 laga heli karo kuwa kasoo kabanaya cudurka,” ayuu yiri Diangeng Li oo ka tirsan Isbitaalka Guud ee Beijing.

Arrintan ayaa la sheegay inaysan wax la yaab leh ahayn, waayo fayrusyada keena Ebola iyo Zika ayaa horay loo ogaa inay soo raacaan shahwada ragga, mararka qaar bilo kaddib marka uu qofku cudurkaba ka raystay.

Lama sheegin in uu sidoo kale ku jiri karo xubinta taranka haweenka iyo in fayruska soo raacaya shahwada raggu uu weli leeyahay awood uu qofka kale cudurka ku qaadsiiyo iyo inuu caajis yahay (passive).

Daraasaddu weli ma gaarin go’aan kama dambayn ah oo waa socotaa.

Hadalsame Media