Cilmi baare gacanta ku hayey xog muhim ah oo ku saabsan Covid-19 oo toogasho lagu diley!

0

(Ross, PA) 08 Maajo 2020 – Barofaysar ka tirsanaa Jaamacadda University of Pittsburgh oo la sheegay inuu qarka u saarnaa helitaanka “xogo wax ku ool ah” oo ku saabsan Covid-19, ayaa toogasho lagu diley.

Caalimkan oo la yiraahdo Bing Liu, ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa iyadoo ay madaxa, qoorta iyo qaarka dambe xabado uga yaallaan, sida uu sheegay Booliiska Ross.

Booliiska ayaa sheegay in nin lagu tuhmayo dilka Liu maydkiisa laga helay gaarigiisa kaddib markii uu soo diley barofaysarka.

Booliiska ayaa rumaysan inay labada nin is yaqaanneen, balse ma cadda in “uu u diley inuu (Liu) Chinese ahaa ama xogta uu ogaan rabey,” sida uu sheegay dembi baare Brian Kohlhepp.

Hadalsame Media