DEG DEG: Laacib caan ah oo goor dhow Afgooye lagu toogtey

0

(Afgooye) 07 Maajo 2020 – Waxaa hadda dhow magaalada Afgooye lagu toogtey laacib caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

Ninkan oo sidoo kale macallin ama tababare u ahaa koox ka dhisan Afgooye ayaa lagu magacaabaa Cabdiweli Colaad Qanyare Gaatamow.

Gaatamoow ayaa la sheegay in la toogtey isla markii uu ka kasoo baxay masjid ku yaalla Afgooye.

Gaatamoow oo goolwale u ahaan jirey xulka Qaranka Somalia iyo kooxdii Banaadir Telecom ayaa dhowaanahan tartan Ramadaanka lagu maamuusayo ka qabanayey magaalada Afgooye.

Bahda Hadalsame Media waxay tacsi u dirayaan ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaanba bahda isboortiga. Allaha u naxariisto marxuum Gaatamoow. Aamiin.

Hadalsame Media