ANIGA AMA ISAGA: Maraykanka oo hanjabaad u diray dalalka Khaliijka oo Shiinaha uga janjeersaday!

0

(Washington, DC) 08 Maajo 2020 – Dalalka saliidda hodonka ku ah ee Khaliijka Carabta ayaa loo sheegay inay ka baaraan degaan xiriirka ay Maraykanka la leeyhiin, marka ay la macaamilayaan Shiinaha, xilli ay sii kordhayso xiisadda ka dhex oogan Washington iyo Beijing tan iyo bilowgii coronavirus, sida ku qoran Reuters.

Dalalka Khaliijka ayaa sanadihii dambe xiriir dhow la samaystay Beijing tiiyoo ay jirto inuu halkaa ku ilaashado Maraykanka, iyagoo raadinaya inay tiknolojiyad ku kordhiyaan dhaqaalohooda saliidda uun ku tiiirsan..

“Dalalkani (Gacanka) waa inay miisaamaan culayska jaalnimadooda Maraykanka. Waxaan dooraynaa inay iska eegaan,” ayuu yiri Kaaliyaha Maraykanka ugu qaybsan Arrimaha Bariga Dhow, David Schenker.

Jeer uu MW Donald Trump uu Beijing ku eedeeyey sida uu u maareeyay coronavirus ayay dalal badan oo Gacanka ihi aad u amaaneen Shiinaha oo dhakhaatiir u diray Khaliijka, Masar iyo xitaa Israel, si uu uga caawiyo la dagaallanka cudurka.

Hadalsame Media