Maraykanka oo Sucuudiga ka qaatay hannaanka daafaca gantaalaha ee Patriot (Sababta)

0
27 August 2019, Mecklenburg-Western Pomerania, Cammin: Soldiers of Air Defence Missile Group 21 of the Bundeswehr Air Force are practicing the establishment of an air defence position. For this purpose, several mobile launchers (Launching Station) are set up, which can carry up to four Patriot missiles. The anti-aircraft missile group was stationed in Turkey from 2012 to 2015. Around 600 soldiers work in the air defence missile group 21. Photo: Jens B?ttner/dpa-Zentralbild/ZB (Photo by Jens Büttner/picture alliance via Getty Images)

(Riyaad) 08 Maajo 2020 – Maraykanka ayaa la sheegay inuu Sucuudiga ka qaadayo 4 batari oo ah hannaanka gantaalaha difaaca cirka ee Patriot iyo ciidamo kale, xilli aysan meesha ka bixin xiisadda Iiraan, sida ku qoran  Wall Street Journal.

Qalabkan ayaa waxaa Sucuudiga loo diray bishii Sebtembar kaddib markii daroonno lagu duqeeyey wershadaha saliidda sifeeya ee Abqaiq iyo Khurais.

Weerarkaa oo jug culus u gaystey Aramco ayaa sababay in wax soo saarka saliidda qeeriin ee Sucuudigu uu hoos u dhoco 5.7 milyan oo fuusto maalintii, taasoo 6% ka ah wax soo saarka guud ee caalamka.

Xuutiyiinta ayaa weerarkaa sheegtay, balse Sucuudiga iyo Maraykanku waxay dusha ka saareen dalka Iiraan, oo iyaduna beenisey.

Bixitaankan ayaa sida uu Journal sheegayo waxaa lagu dhisaalay aragtida ah in Iiraan aanay hadda “halis deg deg ah ku haynin danaha istaraatijiga ah ee Maraykanka”.

Washington ayaa horay halkaa uga qaadday laba raxamood oo ciidamada cirka ah, gaar ahaan dayuuradaha guuxooda ka dheereeya.

Hadalsame Media