DAAWO: Dhaktarad Hindi ah oo maamuus XAADDA dhaqaajinaya loo sameeyey & sababta

0

(South Windsor, CT) 08 Maajo 2020 – Tan iyo bilowgii caabuq sidaha karoonaha, dad badan ayaa la yimid hal abuurro kala geddisan oo ay ugu mahad celinayaan howlwadeennada caafimaadka ee furunta hore uga jira la dagaallanka Covid-19.

Dhowaantan dhakhtarad Hindi ah ayaa heshay mahad celin xaadda dhaqaajinaysa oo ay u sameeyeen dadka ku nool xaafaddeeda oo abaal uga haya dadaalkeeda naf hurnimada ah ee ay u sameeysay.

Dr Uma Madhusudan, oo kasoo jeedda Mysuru, ayaa loo sameeyey ‘Drive of Honour’ iyadoo hor taagan gurigeeda ku yaalla South Windsor oo ka tirsan gobolka Connecticut, waxaana loosoo rigeeyey gaadiid ay ku jireen kuwa booliiska iyo dab-damisku.

Madhusudan ayaa 1990-kii ka qalin jebisey JSS Medical College, Mysuru, waxaana muuqaalkan daawaday kumannaan qof.

Hadalsame Media