Ilhaan Cumar oo qaadday tillaabo ay ka qayliyeen Falastiiniyiintu (Warqad ay u saxiixday AIPAC)

0

(Washington, DC) 07 Maajo 2020 – Ilhaan Cumar oo masraxa siyaasadda Maraykanka kusoo fuushay dhaliisha siyaasadda dibadeedka dalkaasi iyo ururka arrimaha Yuhuudda u ololeeya ee American Israel Public Affairs Committee (AIPAC), ayaa saxiixday warqad ay wadatey AIPAC oo Washington ku qalqaalinaysa in Iiraan la saaro cunaqabatayn hor leh.

AIPAC oo loo arko cududda qaabaysa siyaasad dibadeedka cilladaha badan ee Maraykanka, ayaa lagu dhaliilaa inay Maraykanka ku cadaadiso siyaasado aan waaqici ahayn oo gobolkaa ka socda.

Yeelkeede, midda ay iminka qayla dhaanta ka keeneen Falastiiniyiinta oo ururkan aad u neceb iyo Iiraan waa inay ku faraq xiratey Ilhaan Cumar oo ay aad iskugu dhaceen beri dhowayd.

Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale la sheegay inay kasii go’eeyso 3-dii gabdhood ee ay bilowgii isla soo kifaaxeen ee uu u baxay magaca ”kooxda” ee Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley oo aan iyagu warqaddan saxiixin.

“Wax sharraxaad ah oo ka yimi xafiiska Cumar lama hayo, mana jirto wax u qiil samayn kara anshaxa uu ku dhisan yahay goaankan ceebaysan,” ayuu yiri Weriyaha Falastiiniga ah ee tifaftiraha ka ah Palestine Chronicle, Ramzy Baroud.

Waloow aanu go’aankani khuseeynin Falastiiniyiinta, misna qaylada Falastiin ayaa ku dhisan xaqiiqada ah in ururka AIPAC uu badiyaa u ololeeyo siyaasado ka dhan ah danaha Falastiin oo ay ku jirto qorshaha iminka socda ee ah in la wada qaato Daanta Galbeed.

Hadalsame Media