Handaraabka & guri joogga oo la sheegay inuusan waxba ka tarin Covid-19 (Daraasad cusub)

0
Stay home, stay safe coronavirus vector icons. Coronavirus 2019 nCov, Covid 19 NCP virus stop signs, health protection, hand sanitizer labels

(London) 07 Maajo 2020 – Tillaabooyinka ay dalal badani qaadeen ee handaraabka la sheegay in lagula tacaalayo caabuq sidaha coronavirus ayaa la sheegay inuusan wax badan ka tari doonin la dagaallanka cudurka.

Cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda University of East Anglia ayaa soo jeediyey in habka ugu wanaagsani uu yahay in la debciyo handaraabka isla markaana dadka la faro inay kala durkaan, iyadoo ay wax kastaahi shaqaynayaan.

Nin ka mid cilmi baarayaasha ayaa sheegay in karoonuhu uu meeshii ugu sarreeysey gaarey Britain kaddibna uu iskii iskaga soo hoobtay kahor inta aan la dhaqan gelin handaraabka, isagoo dhaliilay siyaasadda xarunta xukuumadda ee Number 10.

Cilmi baare kale oo Swedish ah, Dr Johan Giesecke, kaasoo uu dalkiisu iska diidey handaraabka, isla markaana weli ka roon dalal badan oo wax handaraabay, ayaa soo jeediyey in cudurkan coronavirus uu qof kastaahi halis ugu jiro, dhowaa ama dheeraa, xitaa haddii aad guriga isku ilaaliso.

Hadalsame Media