Kooxaha AC Milan & Inter oo soo bandhigay naqshad kale oo ah garoonka cusub ee ay dhisanayaan + Sawirro

0

(Milano) 07 Maajo 2020 – Kooxaha Inter iyo AC Milan ayaa soo bandhigay naqshad cusub oo ah garoonka cusub ee San Siro Stadium, taasoo ah dib u qaabayn lagu sameeyey Stadio Giuseppe Meazza.

Dokumentigan wada jirka ah ee ay soo saareen labada kooxood ee galabta loo gudbiyey dowladda hoose ee Milano ayaa waxaa dejiyey Populous iyo Manica/Sportium.

“Qorshahan cusubi wuxuu ka dhashay wada xaajood aannu la galnay munishiibiyada Milano oo noosoo gudbisey 16 shuruudood bishii Nofeembar 2019,” ayuu warku u dhignaa.

“Aragtidan cusubi waxay ku fadhisaa in Giuseppe Meazza Stadium loo rogo tuulo furan 365 maalmood sanadkii, oo leh 106,000 mitir oo jibbaaran oo dhul cagaaran ah (taasoo 2 jeer ka badan midka iminka oo ah 56,000).

Wuxuu lahaan doonaan meelo lagu iibiyo agabka isboortiga oo tafaariiq ah, meelo dhaqan, meelo lagu baashaalo oo gudo iyo bannaanba leh, meelo lagu ordo, goobaha baaskiillada, jiim dibadeed, garoon baraf, garoon 5-qaad ah, hoteello iyo matxaf isboorti.

Mashruucan ayaa abuuri doona kumannaan shaqo, balse waa inuu marka hore ogolaansho ka helaa maamulka magaalada.

Hadalsame Media