Dood ka dhalatay kulan uu Sheekh Shariif la yeeshay Danjiraha UK (Maxay dadku ka yiraahdeen maxaase lagu yiri?)

0

(Hadalsame) 07 Maajo 2020 – Waxaa baraha bulshada ka holcaysa dood ka dhalatay siyaasiyiin mucaarad ah oo Danjireyaal shisheeye la kulamaya, kuwaasoo bulshada u sheega inay kala hadlaan arrimaha gudaha ee dalkooda, taasoo kasoo horjeedda ujeedka rasmiga ah ee uu sidiisaba Danjire u magacaaban yahay.

QEEXIDDA SHAQADA DANJIRAHA

Danjire waa diblomaasiga ugu sarreeya ee dal uga wakiil ah dal kale, isagoo maareeya wada xaajoodyada labada dal, socdaalka, ganacsiga, mashaariicda horumarineed iyo barnaamijyada aadminnimo ee ka dhexeeya labada dal. Waxay sidoo kale Danjirayaashu la socdaan dhamaanba adeegyada ay u baahan yihiin dadka u dhashay dalkiisa ee ku sugan, ku nool, wax ka barta ama ka shaqeeya dalka uu fadhiyo.

Dooddan cusubi waxay kacday markii uu MW hore ee Sheekh Shariif uu Twitter soo dhigay kulan uu sheegay inuu la yeeshay Danjiraha UK ee Somalia, Ben Fender, kaasoo uu kala hadlay dhamaanba arrimaha gudaha dalka Somalia.

Marka laga soo tago dadka Shariifka ku dhaliilay inuu Danjire xilligan kala hadlo arrimaha gudaha, qaar kale ayaa sheegay inaysan waxba ku jabnayn oo horayba loola kulmi jirey, qaarkood waxay soo qaateen sawirro hore.

Haddii aannu ku hor marno aragtida aan moowduuciga ahayn ee qaabka qamar shiidka ah wax loogu sharciyeeyo ee ah ”waxaas horay bay u dhici jireen”, horta wax baa beri la sameeyey sharciyayn mayso waxba, wixii xunna waa laga socdaa ee lama daba socdo, waxaan qirayaa inaan soo marnay iyada oo ay Itoobiya soo qorato xildhibaanno iyo wasiirro ay iyadu doonayso si loogu daro DF Somalia, marka lama diidana in jidad badan oo qodxo badan lasoo maray, balse heerkaas waan kasoo yara gudubney, oo waxaan gaarney inaanba dalka ka cayrinno Danjirihii ugu muhiimsanaa oo ahaa kii QM, sidaa darteed, hadda baahi nagu khasbaysa in aan Danjire Ingiriis ka waraysanno arrimeheenna gudaha maba jirto, waxaana siyaasiyiinta waxaa ka daba ordaya ka muuqata inaysan weli u gudbin wejiga xiga oo aysan qorshe siyaasad iyo hami bulsho xambaarsanayn, waayo inaad Danjire gudahaaga kala hadashaa waxay casuumaysaa faragelin dugsi hoose ah.

Qaar kale waxay yiraahdeen ”adeer Ingiriis waxaa lagu dacwaynayaa Xukuumadda oo xukunka isku dhejinaysa diiddanna inay doorasho qabato.”

Aan is waydiinnee Ingiriisku horta kali talisnimo miyuu la dagaallamaa mise wixii ay dantiisu ku jirto ayuu daba galaa DIKTAYTARBA ha ahaadee? Imisa dal ayuu Ingiriiska laftiisu ku caawiyaa inuu kali talis xukunka abid iska haysto? Ka warran dalalka Khaliijka iyo Masar? Faransiisku imisa kali taliye ayuu ku caawiyey afgembi Afrika ka dhacay oo ay qaarkood weli xilka haystaan? UK waxay raacaysaa hannaan la yiraahdo Realism, xitaa diktaytarkana waa taageeraysaa haddii ay danteeda ka dhex aragto, waa inaan taas ogaannaa.

Mid waan qiraynaa oo khiyaali noqon mayno, dunida 3-aad faragelini way ka jiraysaa oo dalal annaga kun jeer na dhaama oo ay dowlado sal adagi ka hana qaadeen ayaa la farageliyaa, balse faragelinta lafteeda ayay heerar kala ah, iyadoo had iyo goor ku xiran inta aad adigu ogoshahay in middida laguugu geeyo.

Hal tusaale ayaan ku siinayaa, Turkigu waa dal maanta samaysta 68% hubka uu isticmaalo, sidoo kalena leh tiknolojiyad uu waxbyaabo badan ku samaysto, saas oo ay tahay mar mar baa shafka loo garaacaa oo indhaha lagu gubaa isna waa is gaabiyaa, yeelkeede, waxaan ogahay in lakala joogo heerar kala duwan oo nin gabadhii uu guursan lahaa baa lagu daraa oo halkaa looma dhaafo, midna sidii uu ula macaamili lahaa iyo arrimihii hoose ayaa xitaa loo yeeriyaa. Waxaa kuwaa oo dhan sii dhaama midka isagu doorta gabadhiisa iyo sidii uu ula dhaqmi lahaaba.

Heerkii aannu Dantii-jire qalaad aan qarankeenna kala tashan lahayn waa inaan ka gudubnaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media