DAAWO: ”Dadka madoow waa la dilaa!” – Gabar kalkaaliso ah oo kashiftay waxa ka socda isbitaallada Maraykanka

0

(New York, NY) 07 Maao 2020 – Gabar kalkaaliso ah oo la tacaalaysa coronavirus kuna nool Nevada, balse New York u timid dawaynta cudurkan, ayaa kashiftay sheeko kale oo cabsi leh, iyadoo sheegtay ‘inaan qofna isku howlin daryeelka dadka laga tirada badan yahay.’

Nicole Sirotek oo 37-jir ah ayaa xaaladda ku mitaashey sidii ‘inaad geleeyso meel baas oo aan kala caddayn,’ iyadoo kashiftay in mararka qaar loo dirayey daryeelka qof mar horeba dhintay.

”Dadku uma dhimanayaan COVID oo qura. Haa, waa jiraan dad si sax ah ugu dhintay COVID, balse waxaa jira dad gaar ah oo aan wax dan ah laga lahayn.” ayay tiri.

Sirotek ayaa sheegtay inay muuqaalkan soo duubtay kaddib markii ay wax gacan ah ka waydey xitaa kooxaha xuquuqda u dooda.

”Ma aqaan si aan yeelo. Xitaa kooxaha wax u dooda wax dan ah kama laha dadkan, si cad haddaan u sheego nafta dadka madoow muhim kama aha halkan.’ ayay ku calaacashay.

Caabuq sidaha karoonaha ayaa aad u kashifay waxyaabo badan oo ay ku faani jireen reer Galbeedku, sida inay dadku isku xuquuq yihiin iyo inay leeyihiin hannaan caafimaad oo aan la gaari karin.

Hadalsame Media