DAAWO: DP World oo shaqo culus oo ballaarin ah ka wadda Dekedda Berbera

0

(Berbera) 07 Maajo 2020 – Shirkadda DP World ee ay leedahay Dowladda Imaaraadka ayaa soo bandhigtay muuqaalka dhismaha ay ka waddo Dekedda Berbera.

Waxay sheegtay inay horumar ka samaysay mashruuca ballaarinta Dekedda Berbera oo lagu daray khoor ay maraakiibtu kusoo xirtaan oo 400 oo mitir ah.

Waxaa kale oo ilaa 250,000 oo mitir oo jiibaaran lagu daray barxadda dekedda oo ay sheegtay in ujeeddooyin badan loo adeegsan kari doono.

DP World ayaa la sheegay inay ku dadaalayso inay iyadu gacanta ku dhigto Dekedaha gobolka si aanay ula tartamin kuwa Imaaraadka oo aan sida Somalia istaraatiji u ahayn, waxayna arrintaa durba isku dheceen Yaman iyo Jabuuti oo ay dekedo hore kala wareegtey.

Waxaa arrinta Dekedda Berbera iskula dhacay DF Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo sanadihii dambe faragelin iyo kharbudaad ku hayey dalal badan oo Muslim ah, min Maqrib ilaa Muqdisho.

Hadalsame Media