DHEGEYSO: Covid-19 oo saameeyay hab-howleedka xawaaladaha Soomaalida (Kuwa Sweden oo ku baxsaday hal qaab oo ay uga duwan yihiin)

0

(Gothenburg) 07 Maajo 2020 – Waxaa isbeddel ku yimid xawaaladaha Soomaalida ee qurbaha oo yara sameeyey caabuq sidaha Covid-19, kaddib markii xayiraad la saaray isu socodkii caalamiga ahaa.

Xawaaladaha ayaa marka laga reebo kuwa dalka Sweden oo Banki marsiiya lacagaha ay dirayaan, waxay dayuurado ku qaadaan kaashka ay qabtaan, taasoo ay caqabad ku noqotay xayiraadda la saaray duullimaadyadii.

Xawaaladaha ayaa sidoo kale gaabiyey saqafka lacagta uu qofkiiba diri karo oo lagu soo koobay 500 oo doollar.

Haddaba, waxaa Hadalsame arrintan uga warramaya Maxamed Cismaan oo ka tirsan Taaj iyo Mahad Xasan oo ka tirsan Jubba Express, sidoo kalena ah dhaqaaleyahan bartay dhaqaalaha shirkadaha.

Waxaa warbixintan ka diyaariyey Maxamed Xaaji.

Hadalsame Media