Maraykanka oo ku ceeboobey afgembi uu soo abaabuley & nin sir kashifay (Daawo markii la qabanayey askartiisa)

0

(Washington, DC) 07 Maajo 2020 – Nin ganacsade ah oo jaal la ahaa nin ka tirsanaan jirey Koofiyo Cagaarta Maraykanka (Green Beret) ayaa sheegay DF Maraykanku ay ka dambeeysey afgembigii dhicisoobey ee Venezuela.

Ruug caddaa Jordan Goudreau, 43 jir, ayaa saaxiibkii u sheegay in Wasaarad Dibadeedka Maraykanku ay howshan u dirtay si buu yiri aan u ‘ilaaliyo danaha saliideed ee Maraykanku ku leeyahay Venezuela’, isagoo u sheegay inay ‘ridi doonaan’ hoggaamiyaha Venezuela ee Nicholas Maduro, sida uu qorayo DailyMail.com.

Donald Trump ayaa isna inkiray afgembigan oo lagu qabtay laba ruug caddaa oo ka tirsanaan jirey ”Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka” oo ay qabteen ciidamada Maduro, kuwaasoo uu sheegay inaysan shuqul ku lahayn.

Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Mike Pompeo ayaa ku qoslay fikradda afgembigan, waloow aanu warkiisu u muuqanin mid si cad wax u beeninaya isagoo sheegay: ‘inaysan DF Maraykanku toos ugu lug lahayn howlgalkan.’

Markii la sii waydiiyey cidda maalgelisey howlgalkan, wuxuu Pompeo yiri: ‘Diyaar uma nihin inaannu xog kale idin kala sii wadaagno waxa aannu ka ognahay wixii dhacay.’

Yeelkeede, la ganacsade hore oo yaqaan Goudreau, Md Drew White, ayaa DailyMail.com u sheegay in uu isaga ku sir qarsaday inay Dowladda Maraykanku la og tahay afgembigii cimriga gaabnaa, kahor intaanu u duulin Colombia oo uu kasoo abaabuley afgembiga la fashiliyey.

Hadalsame Media