ICAO oo Somalia ku wareejinaysa lacag laga hayey muddo 30 sano ah

0

(Muqdisho) 06 Abriil 2020 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay halka ay martay lacagtii ay 27 sano ururinaysey hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Caalamiga ah ee ICAO.

”Lacagta qaarkeed waxay ku baxday shaqaalihii ka shaqaynayey arrimaha maamulka hawada Somalia ee ICAO, qaar kalena waxaa qalab casri ah oo fara badan loogu iibiyey garoomada Somalia, inta kalena waa la hayaa oo waxaan ku heshiinney in nalaku soo wareejiyo,” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Hawada Somalia ayaa waxaa maalintii dul marta wax ka badan 200 oo dayuuradood, balse waxaa dhici jirtey inay diyaaraduhu ka weecdaan adeeg la’aan dhanka xiriirinta duullimaadyada ah iyo maqalka oo liitey maadaama laga hagayey meel ka baxsan Somalia.

Iminka waxaa howsha wadda Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee SCAA, taasoo sheegtay inay qalab tayo leh ku xirtey garoomada, taasoo keentay inay xitaa kordhaan duullimaadyada caalamiga ah ee dul mara Somalia, taasoo dalka soo gelisa lacag badan.

Waxaa agabkaasi garoonka Aadan Cadde lagu xirey 28-kii Diseembar 2017-kii.

Hadalsame Media