”Kaa aqbali mayno!” – MW Maraykanka oo telefoonka si xun ugu canaantay Dhaxal-sugaha Sucuudiga

0

(Riyaad) 05 Abriil 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa la sheegay inuu Amiirka Mohammad Bin Salman ku sandulleeyey inuu dhimo saliidda uu dalkiisu soo saaro, sida ay ogaatey wakaaladda Reuters.

Trump ayaa la sheegay inuu MBS wacay 2-dii Abriil, isagoo u sheegay in haddii aysan joojinin saliidda faraha badan ee suuqa ku butaacinayaan, aanu dookh kale haysanin, maadaama aanu celin karin mooshin Baalamanka hor yaalla oo ku saabsanaa in ciidamada Maraykanka laga saaro dalka Sucuudiga.

“Waxaan difaacaynaa wershadahaaga, adiguna waxaa duminaysaa kuweenna.” ayuu si cad ugu yiri Trump.

Bin Salman ayaa la sheegay inuu ka argagaxey hanjabaaddaasi, taasoo xitaa keentay inuu dadkii qolka kula jirey ku amro inay dibedda u baxaan, si uu gaar ugula hadlo Trump.

Todobaad kahor wicitaanka Trump, ayay senatarrada Jamhuuriga ah ee Kevin Cramer iyo Dan Sullivan waxay saxiixeen mooshin ku baaqayey in Sucuudiga laga soo saaro ciidamada Maraykanka, haddii uusan raacin dalabka Maraykanku ku doonayo in saliidda la dhimo.

Dalabka saliidda oo awalba dhulka joogey ayuu Sucuudigu soo saaristeeda kordhiyey kaddib markii ay isku “qayliyeen” MW Ruushka ee Vladimir Putin iyo MBS oo telefoonka ku wada hadlay.

Waxay taasi keentay inay fuustada saliiddu gaarto $25, balse way kasii dartay oo eber ayay ka hoos martay markii ugu horreeysey taariikhda dhanka suuqyada Maraykanka, kaddib markii ay kaydadku buux dhaafeen.

Hadalsame Media