IS DAR DAR: DF Somalia oo lagu saluugey arrin ku saabsan xog-siinta cudurka Covid-19

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2020 – DF Somalia ayaa aad loogu dhaliilay abaabul xumo ka haysata qaabka xog-siinta dadwaynaha ee duray duureedka dilaaga ah ee Covid-19.

Cudurka karoonaha oo inta la diiwaan geliyey ay Somalia tahay dalka 2-aad ee ugu daran Bariga Afrika, ayaa waxaa DF lagu saluugey in marka laga soo tago inaysan dadku heli karin dawayn hufan, waloow qayb ahaan loo garaabi karo, maadaama uu liito kaabaha caafimaad ee dalka, ay misna is dar dar iyo nidaam xumo ka muujinayso dhanka xog-siinta bulshada oo lagu wareersan yahay ciddii la dhegeysan lahaa iyo waxa ay sheegayso moowduucinimadooda.

Tusaale, Wasiirka Warfaafinta, Md Maareeye, ayaa maalin dhexdeer ah sheegay in ay ”dhimasho karoona u aqoonsanayaan qof kasta oo Somalia ka dhinta”, taasoo keentay inay dadku yaab isla eeg eegaan.

Waxaa ku xigsadey Guddoonka Gobolka Banaadir, Md Filish, oo markiisa seefta galka kala baxay, isagoo sheegay in ”Muqdisho ay 24 saac ku dhinteen 100 qofi”.

Labadaa sheegasho midkoodna ma wadan wax caddayn ah, mana jirin dad khubaro ah, howlwadeenno caafimaad iwm oo garab taagnaa oo arrintaa xaqiijinayey.

Waxaa sii dheer, Wasaaradda Caafimaadka oo fiid kasta soo saarta tiro ay ku sheegayso inay tahay kiisaska dadka uu cudurku ku dhacay iyo inta u dhimatay ama ka dhuroowdey.

Yeelkeede, maadaama aannu ognahay tabarta ay DF u leedahay inay dadka wada baarto, meelo badanna aysanba gaari karin, ma cadda hal-beegga iyo hab-raaca ay DF u cuskato inay si fudud u tiraahdo ”Intaas oo kiis ayaa Somalia ka jirta”.

DF Somalia, gaar ahaan madaxda sare, ayaa loosoo jeediyey inay la timaado hab-howleed wax ku ool ah oo khaladaadkan lagu saxayo, si xogta ka imanaysa dhanka DF Somalia ay u noqoto mid xareedaysan, dhinacyada laga jaray isla markaana biyo kama dhibcaan ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media