DEG DEG: Kenya oo DF ka dalbatay inay baaris deg deg ah ku samayso shilka AE (Digniin loo diray)

0

(Nairobi) 05 Maajo 2020 – Kenya ayaa si rasmi ah Somalia u waydiisatey inay baaritaan ku samayso wax ay ku sheegtay “duruufo aan kala caddayn” oo ku hareeraysan dayuurad yar oo dalkaa laga leeyahay oo shalay Berdaale ku dhacday.

Dayuuraddan oo saanad dawo ah oo loogu tala galay caabuq-sidaha Covid-19 u siddey magaaladaasi ayaa lasoo ridey, iyadoo ay ku dhinteen 6 qof oo ay 4 ka tirsani Kenyan ahaayeen kuwaasoo ay laba duuliyeyaal yihiin, iyadoo uu shilku dhacay shalay galab 3.30.

“Shilkani wuxuu ku dhacay duruufo aan kala caddayn. Dayuuradduna waxay ka shaqaynaysay howlo samafal oo la xiriira Covid-19,” ayay tiri Wasaaradda Gaadiidka Cirka ee Kenya.

Nairobi ayaa Muqdisho ka dalbatay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo shilkan, iyadoo ka digtey inay dhaawici karto howlaha samafalka aadminnimo ee Somalia.

Dayuuraddan ayaa la sheegay inay soo rideen Ciidamada Itoobiya, waana arrin waloow aan weli la hubinin, aad loola yaabban yahay.

Reuters ayaa sheegtay in dayuuraddan lala helay gantaal lidka dayuuradaha ah.

Hadalsame Media