DHEGEYSO: Laba qof oo si la yaab leh uga badbaaddey shilkii shalay & cillad dhanka isgaarsiinta ah oo soo baxday

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2020 – Xil. Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha saamiga ku leh dayuuraddii shalay lagu ridey Berdaale ee African Express ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah uga hadlay sida ay wax u dheceen.

Parofaysar Ibbi ayaa sheegay inay dayuuraddu ay shalay u kiraysnayd hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ee ICRC, taasoo agab caafimaad u duulinaysey aaggaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dayuuradda la socdeen dad u badan shaqaalaha dayuuradda, balse ay nasiib wanaag 2 qofood Baydhabo uga hareen – Mustaf iyo Philip – kuwaasoo sheegay inay halkaa kusii sugayaan inta ay kasoo noqonayaan Berdaale, isagoo sheegay in dadka dhintay ay 4 Kenyan ahaayeen 2-da kalena Soomaali.

Wuxuu caddeeyey in uusan jirin hannaan isgaarsiineed oo hufan. ”Dayuuraddu markii ay soo hoobatay ayay aragtay garoonkii oo shaqo ka socoto oo gawaari ku dhex jirto dhabbihii, kaddibna kor ayay u laabatay, markaas ayayna saalbooyinku ku dheceen.” ayuu yiri Ibbi oo sheegay inaysan ogayn sida wax u dheceen balse ay baaritaan bilowday DF Somalia.

Hadalsame Media