DARAASAD: Kaneecada lafteeda oo DUUMADA laga dawaynayo si aysan dadka ugu sii daaran (Maxaa la ogaadey?)

0

(Nairobi) 05 Maajo 2020 – Culimada sayniska ayaa iqtiraacay bahal yar oo ku dhex nool caloosha kaneecada oo iyada ka ilaaliya inay duumadu ku dhacdo.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in ili ma aragtigan oo ku jira 5% ka mid kaneecada ku nool harada wayn ee  Lake Victoria qaybta Kenya, uu sidoo kale dadwaynaha ka celin karo inuu ku dhaco cudurka duumadu.

Mallaariyada ayaa ku faafta qaniinyada kaneecada sumaysan oo iyadu cudurka qabta, sidaa darteed, in la helo qaab iyada lafteeda looga ilaalin karo inay jirrato waxay dadka ka caawin kartaa inaysan cudurka iyada ka sii qaadin.

Ili ma aragtigan kaneecada ka difaaca mallaariyada, oo la yiraahdo Microsporidia MB, ayaa ku dhex nool caloosha iyo xubnaha taranka ee kaneecada sida ay ogaadeen culumada Jaamacadda Glasgow University,  International Centre of Insect Physiology iyo Ecology (Icipe) oo Kenya saldhigata.

Waxay sheegeen in ili ma aragtigani uu ama sare u qaadayo difaaca kaneecada si ay iskaga dhiciso dulinka ama deris ku noolaha laga qaado kaneecada, ama uu saamayn ku yeelanayo dheefsiga kaneecada, taasoo dulinka ku adkaynaysa inuu ku dhex noolaado kaneecada.

Dr Jeremy Herren, oo daraasadda hoggaaminaya ayaa BBC u sheegay: ‘Xogta aannu hadda hayno waxay muujinaysaa inuu 100% mallaariyada ka difaaco kaneecada.’

Waxay daraasaddani sheegaysaa in marka hore la hollin doono in 40% ka tirsan kaneecada lagu tallaalo ili ma aragtiga Microspordia MB.

Sidee? Maadaama uu ku jiro caloosha kaneecada, waxaa la sameeynayaa dhabaqleey sonkor la mariyey oo ili ma aragtiga lagu daray, kaasoo la saarayo caleemaha geedaha si ay kaneecadu u cunto.

Hadalsame Media