DF Somalia oo war rasmi ah kasoo saartay dayuuraddii shalay Berdaale ku dhacday (Tillaabada ay qaadayso)

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2020 – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Berdaale.

Wasaaradda ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay nooca dayuuradda dhacday oo ahayd dayuurad gabow ah oo hawada ku jirtey tan iyo 27-kii Luulyo 1983-kii, taasoo ahayd laba matoorreey ay farsamaysay shirkadda Embraer, isla markaana ku diiwaan gashanayd 5Y-AXO.

”DF waxay ku howllan tahay baaritaan daaf-furan, natiijada baaritaankaana si deg deg ah ayay u shaacin doontaa,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda oo sidoo kale tacsi u dirtay eheleda dadkii ku geeriyoodey shilkan.

Wararka ayaa sheegaya inay dayuuraddan oo gargaar siddey ay toogteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhigta agagaarka garoonka Berdaale.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments