AMISOM oo war rasmi ah kasoo saartay dayuuraddii ku dhacday Berdaale (Itoobiya oo…)

0

(Muqdisho) 05 Maajo 2020 – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray dayuuraddii shalay lagu soo ridey Berdaale ee African Airways.

AMISOM ayaa soo dhoweysey tillaabada ay qaadeen DF Somalia, Kenya iyo Itoobiya oo wefdi heer sare ah halkaa maanta u diray, iyadoo ay DF ballan qaadday inay baaritaan ku samaynayso sidii wax u dheceen.

”Waxaannu hiillo joogto ah u muujinaynaa dowladaha Somalia, Kenya iyo Itoobiya, annagoo taageerayna fududaynta baarista lagu sharraxayo duruufaha shilkan ku hareeraysan.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AMISOM.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar aan weli la hubin oo sheegaya inay Ciidamada Itoobiya qirteen inay iyagu dayuuradda soo rideen, balse waxay ku doodayaan inuu shilku u dhacay qaab kama’ ah oo aanay xilligaa filaynin dayuurad imanaysa, balse ay dab-rid ku jireen.

Hadalsame Media