DF oo laga eedeeyay inay dadwaynaha uun ka xireen duullimaayada gudaha (Maxaan ogaadey?)

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2020 – Waxaan Baaritaan ku sameeyey in ay jiraan Diyaarado gudaha isaga duula waxaa ii soo baxay in ay jiraan Diyaaradaas

Waxaa ogaadey in Xildhibaanada, Wasiirada Masuuliyiinta Dowlada iyo Dadka ku dhow dhow Dawlada aysan ka xirneyn Diyaaradaha Gudaha

Nin Saaxiib oo ah qof Shacab Caadi ah oo muddo ku xayirnaa Gobol ka mid ah Gobolada dalka ayaa ku arkey Muqdisho waxaa weydiiyey sida uu ku yimid Muqdisho wuxuu yiri

“Inta la ii sameeyey Aqoonsi Dowladeed Been abuur ah ayaa waxaa tagey xarun Tikidhada laga jaro oo ku tiiley Magaalada aan joogey ka dibna waxaa ka soo goostey Tikidh ” wuxuu sii raaciyey

” Subixii aan soo baxayey Garoonka waxaa fadhiyey Diyaarad Rakaab oo caadi ah oo xitaa aan keenin Xamuul waxaa isa soo raacney ku dhawaad 50 qof oo dhamaantood u badnaa Dowlada Federaalka iyo Dhowr qof oo shacab ah oo dhamaantood soo wada goostey Tikidho”

Sidaa Darteed waxaa uu ii sheegey ninkaas Saaxiibkey ah in Diyaaradaha Gudaha ay maalin waliba Gobolada Dalka taagaan ayna soo qaadaan Dadka ku dhow Dowlada marka Shacabka ayey ka xiran yihiin Mooyee Howsha waa socotaa Corona Virusna waa faafayaa Shacab Allaa u maqan.

Waxaa Qoray: Amiin Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media